Hel nuqul ka mid ah PDF dukumentigaan oo liiska ku wata

Hel nuqul ka mid ah PDF dukumentigaan oo leh khariidad

See this document in English

Hay’adda Xuquuqda Naafada ee Ohio (Disability Rights Ohio) waxay mar labaad
bixinayaan la-talinta macaashyada, adeeg bilaash ah oo loogu talagalay dadka qaata
macaashka Sugnaanta Bulshada iyadoo maadaama ay yihiin dad naafo ah iyada oo loo
marayo Maamulka Sugnaanta Bulshada ee Barnaamijka Qorsheynta iyo Taageerada
Dhiiragelinta Shaqada (WIPA).

Maamulka Sugnaanta Bulshada (The Social Security Administration) waxay bixiyaan
"dhiiragelin shaqo" oo loogu talagalay inuu dadka ka caawiyo ka gudubka helitaanka
jeeggaga loogu talagalay dadka si ay lacag ku kasbadaan iyadoo loo marayo shaqada.
La-talinta macaashyada ayaa leh yool lagu yaraynayo ama looga takhalusayo ku
tiirsanaanta qofka macaashyada dawladda, iyadoo la xalinayo cabashooyinka ay qabaan
ee wax looga qabanayo arrimaha sida sii socoshada macaashyada daryeelka
caafimaadka.

Isku-duwayaasha Dhiiragelinta Shaqo ee La Xaqiijiyay (CWICs) waxay bixiyaan la-talin la
gaar yeelay si ay dadka uga caawiyaan inay isticmaalaan magdhowgan shaqo ayna u
fahmaan inay saamayn ku leeyihiin shaqada qofka.

Hay’adda Xuquuqda Naafada ee Ohio waxay bixisaa barnaamijka WIPA ee laga helo 31
ka mid ah 88 degmooyin ee Ohio, sida ku qoran liiska ku yaala dhinaca dambe ee boggan.
Laba hay'adood oo kale, Ururka Caawinaada Sharciga ee Cincinnati iyo Xarunta Beddelka
Xirfadaha, waxay kormeeraan barnaamijyada ka dhacaya gobolada kale.
Macluumaadkooda xiriirka waxaa laga heli karaa bogga 2.

Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijka WIPA, fadlan kala
xiriir waaxda shaqaale qaadashada ee Hay’adda Xuquuqda Naafada ee Ohio lambarka
800-282-9181, Isniinta ilaa Jimcaha inta u dhaxaysa 9 subaxnimo iyo 4 galabnimo

Disability Rights Ohio (Hay’adda Xuquuqda Naafada ee Ohio)

Hay’adda Xuquuqda Naafada ee Ohio waxay bixisaa adeegyada WIPA ee gobolada
Allen, Ashtabula, Auglaize, Cuyahoga, Darke, Defiance, Erie, Fulton, Geauga, Hancock,
Henry, Huron, Lake, Lorain, Lucas, Mahoning, Medina, Mercer, Miami, Ottawa, Paulding,
Protage, Preble, Putnam, Sandusky, Seneca, Shelby, Trumbull, Van Wert, Williams iyo
Wood.

200 Civic Center Dr., Suite 300
Columbus, Ohio 43215-4234
Telefoonka: 614-466-7264 or 800-282-9181
Fakis: 614-644-1888
Shabakada: disabilityrightsohio.org

Southeast

Southeast/COVA waxay bixisaa adeegyada WIPA ee gobolada Ashland, Athens, Belmont, Carroll, Champaign, Clark, Columbiana, Coshocton, Crawford, Delaware, Fairfield, Franklin, Gallia, Guernsey, Hardin, Harrison, Hocking, Holmes, Jackson, Jefferson, Knox, Lawrence, Licking, Logan, Madison, Marion, Meigs, Monroe, Morgan, Morrow, Muskingum, Noble, Perry, Pickaway, Richland, Stark, Summit, Tuscarawas, Union, Vinton, Washington, Wayne iyo Wyandot.

Xarunta Southeast Inc, Clintonville
3770 N. High Street
Columbus, OH 43214
Taleefanka: (614) 294-7117
Faakis: (614) 294-7443

Barnaamijyada & Adeegyada La Bixiyo

  • Adeegyada Macaashka
  • Shaqaalaysiinta Dadka Waaweyn
  • Adeegyada Dhalinyarada
  • Adeegyada Xirfadeed

Bulshada Gargaarka Sharciga ee Cincinnati

Ururka Caawinaada Sharciga ee Cincinnati (Legal Aid Society of Greater Cincinnati)
wuxuu bixiyaa adeegyada WIPA ee loogu talagalay gobolada Adams, Brown, Butler,
Clermont, Clinton, Fayette, Greene, Hamilton, Highland, Pike, Ross, Scioto iyo Warren.

215 East Ninth Street, Suite 200
Cincinnati, Ohio 45202
Telefoonka: 513-241-9400 or 800-582-2682 (Toll Free)
TTY: 513-241-1930
Fakis: 513-241-0047
Mareegta: lascinti.org

Dukumeentigan waxaa lagu maalgelinayaa heshiiska wadajir ee Sugnaanta Bulshada. Inkastoo Sugnaanta Bulshada dib u eegeen dokumentigan inuu saxsan yahay, ma aha mid ka dhigan xiriir rasmi ah ee Sugnaanta Bulshada.

Make a Donation

Please give. To the best of your ability.