Soo qaado nuqulka PDF ee dokumentigan

Iyadoo loo marayo Barnaamijka Taageerada Macmiilka (Client Assistance Program, CAP) ee Ohio, Hay’adda Xuquuqda Naafada ee Ohio waxay u doodaan ayna ilaaliyaan xuquuqda shaqsiyaadka ah naafada kuwaasoo ka codsanaya ama ka helay adeegyada baxnaanada xirfadeed (vocational rehabilitation, VR) Fursadaha loogu talagalay Dadka Naafada ah ee Ohio (Opportunities for Ohioans with Disabilities, OOD). Barnaamijka Taageerada Macmiilka (CAP) wuxuu sidoo kale ka caawiyaa dadka ka codsanaya ama ka helay adeegyada dawladdu maalgeliso Xarumaha Madaxbannaan ee Baxnaanada ee ku yaala guud ahaan Ohio.

Barnaamijka Taageerada Macmiilka (CAP) waxay bixisaa matalaad sharci oo gaar ah iyo u doodidda, macluumaadka iyo adeegyada gudbinta, wacyigelin, iyo waxbarasho.

Haddii aad doonayso amacabasho ka qabto adeegyada aad ka hesho OOD, Barnaamijka Taageerada Macmiilka (CAP) ayaa:
  • Ku siin kara macluumaad ku saabsan adeegyada VR.
  • Kuu doodi kara haddii:
    • Laguu diiday adeegyada Baxnaanada Xirfadeed
    • Aad cabasho ka qabto la-taliyahaaga baxnaanada
    • Aadan ku qanacsaneyn adeegyada Baxnaanada Xirfadeed ee aad qaadato
    • Aadan oggoleyn go’aanka lagu xirayo kiiskaaga
    • Aad wax dhibaatooyin kale ah ku qabto adeegyada Baxnaanada Xirfadeed
Haddii aad u malayso inuu ku takooray loo-shaqeeyahaaga, Barnaamijka Taageerada Macmiilka (CAP) ayaa:
  • Ku siin kara macluumaad ku saabsan xuquuqdaada sida ku cad Cinwaanka I ee Xeerka Amerikaanka Naafada ah
  • Ku siin kara macluumaad ku saabsan sida aad u codsan kara meeleynta macquulka ah
  • Ku siin kara macluumaad ku saabsan halka aad dacwad gayn karto
Haddii aad doonayso ama cabasho ka qabto adeegyada madaxbannaan ee baxnaanada, Barnaamijka Taageerada Macmiilka (CAP) ayaa ku caawin karo.

Adeegyada madaxbannaan ee baxnaanada waxaa ka mid ah:

  • Adeegyada macluumaadka iyo gudbinta
  • Tababarka xirfadeed ee nolosha madaxbanaan
  • La-talinta asaaga
  • U doodista shaqsiga iyo nidaamyada
  • Adeegyada kaa caawiyo inaad ka guurto hay’ad si aad u degto guri ku dhex yaala bulshadaada,
  • Adeegyada kaa caawiyo inaad ku jirtid gurigaaga si aadan ugu baahan inaad u guurto xarun
  • Adeegyada kaa caawyo inaad ka gudubto dugsiga hoose oo aad u gudubto nolosha dugsiga sare

Wixii caawimaad ah ee la xiriira Barnaamijka Taageerada Macmiilka (CAP), ka wac Hay’adda Xuquuqda Naafada ee Ohio 800-282-9181 oo dooro ikhtiyaarka 2 ee waaxdeena qaadashada. Waxaad sidoo kale isticmaali kartaa foomkayaga qaadashada ee onlaynka disabilityrightsohio.org/intake-form.

Make a Donation

Please give. To the best of your ability.