section decoration triangle

Soo qaado nuqulka PDF ee dokumentigan

See this in English

Haddii aad u maleyso in mulkiilaha, ururka guryaha is-kaashatada ama bixiyeyaasha kale ee guriyeynta ay kuu takooreen sababo la xiriira naafanimadaada, waxaa jira laba hay’adood oo aad la xiriiri karto si aad u gudbiso cabasho. Cabashada loo gudbiyo labada hay’adood midkood waxaa lagu magacaabaa eedeyn. Uma baahnid inaad eedeyn u gudbisid labada hay’adood. Haddii aad u gudbiso hay’adaha midkood, bixiyahaaga guriyeynta wuxuu heli doonaa nuqul ka mid ah eedeynta waxaana la weydiin doonaa inay jawaab ka bixiyaan.

Ohio Civil Rights Commission (OCRC)

Telefoonka: 888-278-7101
Shabakada: crc.ohio.gov
Wakhtiga gudbinta: Sanad gudahiisa

Guddiga Xuquuqda Madaniga ee Ohio (Ohio Civil Rights Commission, OCRC) waxay xafiisyo ku leedahay Ohio oo dhan waxayna kaa caawin kartaa buuxinta foomka eedeynta. Waxaad sidoo kale ka bilaabi kartaa nidaamka gudbinta eedeynta onlaynka, ka dibna OCRC ayaa kuu soo diri doonta si aad u saxiixdo, nootaayo u saarto, una soo celiso iyaga.

U.S. Department of Housing and Urban Development (HUD) 

Telefoonka: 800-669-9777
TTY: 800-927-9275
Shabakada: hud.gov
Wakhtiga gudbinta: Sanad gudahiisa

Waaxda Guriyeynta iyo Horumarinta Magaalooyinka Mareykanka (Housing and Urban Development, HUD) waxay leedahay habab badan oo aad ku gudbin karto eedeynta, oo ay ku jiraan onlaynka, iimaylka telefooka iyo boostada. Waxaad ka heli kartaa faahfaahin dheeraad ah https://www.hud.gov/program_offices/fair_housing_equal_opp/online-complaint.

U gudbinta Maxkamadda

Dacwadaha waxaa lagu xereyn karaa labo sanno gudahooda sida ku cad sharciga federaalka ama hal sano msida waafaqsan sharciga Ohio. Waa inaad tixgelisaa inaad la shaqeyso qareenka sababtoo ah way adkaan kartaa inaad dacwad gasho kaligaa. Looma baahna inaad buuxiso foomka eedeynta OCRC ama HUD ka hor inta aadan dacwad gudbinin.

Haddii aad rabto inaad la tashato qareen ku takhasusay takoorka bixiyahaaga guriyeynta, waxaad isku dayi kartaa inaad hesho qareen ama ururka qareenada guud ee adeegga gudbinta adigoo kala xiriiraya Ururka Qareenada Guud ee Gobolka Ohio lambarka bilaash ah 800-282-6556.

Make a Donation

Please give. To the best of your ability.