section decoration triangle

Soo qaado nuqulka PDF ee dokumentigan

Waa maxay kala duwanaanshaha u dhaxeeya xayawaanka adeegga ama xayawaanka caawinta?
  • Xayawaanka adeegga sida caadiga ah waxay ku kooban yihiin eeyaha. Waxaa loo wadan karaa goobaha dadwaynaha loo ogol yahay inay tagaan waana la tababaraa si ay u qabtaan shaqo gaar ah, sida hagida qof camoole ah ama u sheegidda qof wax ku saabsan qabatinka soo socota.
  • Xayawaanka adeegga ama xayawaanka caawinta wuxuu noqon karaa nooc kasta oo xayawaan ah. Xayawaanka ma aha inuu tababarnaado, inkastoo la tababari karo. Eey adeeg u tababaran ayaa noqon kara xayawaanka adeegga ama xayawaanka caawinta, sidoo kale. Si kastaba ha noqotee, xayawaanka ma aha in uu tababarnaado si aad xaq ugu yeelatid inuu joogo guryaha kirada.
  • Daabacaadani waxay diirada saari doontaa xuquuqda dadka naafada ah ay u leeyihiin xayawaanka taageerada ama caawinta ee lagu haysto guryaha kirada oo kaliya.
Sharcigee difaacaya xuquuqda ku haysashada xayawaanka taageerada ama caawinta gudaha gurigeyga ijaarka ah?

Qofka naafada ah ee ku nool guriyaha kirada (oo ay ku jiraan duuddada ama guriga) wuxuu leeyahay xuquuq sida ku cad sharciga federaalka ee loo yaqaan Xeerka Guriyeynta Cadaalada ah. Sharcigaan wuxuu khuseeyaa dhammaan guryaha kirada ah, oo ay ku jiraan mulkiilayaasha gaarka ah. Waxaa looga baahan yahay bixiyeyaasha guryaha inay ku siiyaan codsiga kireystaha isbedellada shuruucda, habdhaqanada ama siyaasadaha si loo daboolo naafonimada qofka.

Maxaa u qalma naafonimo ahaan sida ku cad Sharciga Guriyeynta Cadaalada ah?

Naafonimada waa curyaanimada jirka, maskaxda ama dareenka taasoo si daran u xaddido ugu yaraan hal ka mid ah hawlaha waaweyn ee noolasha.

Sideen u codsan karaa hoy si aan u helo xayawaanka taageerada ama caawinaad ku sugan gurigeyga ijaarka ah?

Waxaan ku talineynaa inaad kaga codsasato xayawaanka taageerada ama caawimada qoraal ahaan, dhakhtarka ama dukumentiyada taageeraya xirfadlayaasha caafimaadka maskaxda ama ogeysiis qoraal ah. Ogeysiiskani ma aha inuu si faahfaahsan uga hadlo baaritaanka ama ay ku jiraan diiwaanada caafimaadka. Waxa kaliya loo baahan yahay inuu sheego in naafada kiraystaha awgeed, isaga/iyada u baahan tahay/yahay xayawaanka taageerada.

Haddii aad macluumaadkan siisid mulkiilahaaga, badanaa waa sharci darro in mulkiilaha diido codsigaaga aad ku heysanayso xayawaanka taageerada. Nuqul ka reebo wax kasta oo aad dirtid. Mulkiilayaasha waxaa la oggolyahay inay bixiyaan foomamka codsiga, balse ma cada inay kaaga baahan karaan inaad isticmaasho foomaamkooda.

Miyay tahay in xayawaankeyga aan sharciyeeyo ama haysto waraaqo gaar ah?

Ma jiro diiwaan rasmi ah, shahaado ama warqado loogu talagalay xayawaanka adeegga ama xayawaanka taageerada. Qofna ma dalban karo inaad keento xaqiijin rasmi ah ama kaama dooni karto inaad bixiso wax xaqiijin ah.

Miyuu mulkiilahaygu diidi karaa codsigayga haysashada xayawaanka taageerada haddii ay leeyihiin sharciga “lama oggola rabaayad”?

Maya, sharciyada “lama oggola rabaayad” ma khuseeyaan xayawaanka taageerada ama caawimaada. Waxaa intaa dheer, mulkiileyaasha ma ku dalacaan curaar dheeraad ah ama khidmadda bilaha, inkasta oo ay soo dallaci karaan wixii khasaare ah ee la keenay.

Maxaan samayn karaa haddii mulkiiluhu diido inuu oggolaado xayawaankayga taageerada?

Haddii aad aaminsan tahay in mulkiilahaagu uu ku xadgudbay xuquuqdaada guriyeynta, waxaad u gudbin kartaa cabasho hay’adaha soo socda:

Ohio Civil Rights Commission (OCRC)

Telefoonka: 888-278-7101
Shabakada: crc.ohio.gov
Wakhtiga gudbinta: Sanad gudahiisa

Guddiga Xuquuqda Madaniga ee Ohio (Ohio Civil Rights Commission, OCRC) waxay xafiisyo ku leedahay Ohio oo dhan waxayna kaa caawin kartaa buuxinta foomka eedeynta. Waxaad sidoo kale ka bilaabi kartaa nidaamka gudbinta eedeynta onlaynka, ka dibna OCRC ayaa kuu soo diri doonta si aad u saxiixdo, nootaayo u saarto, una soo celiso iyaga.

U.S. Department of Housing and Urban Development (HUD)

Telefoonka: 800-669-9777
TTY: 800-927-9275
Shabakada: hud.gov
Wakhtiga gudbinta: Sanad gudahiisa

Waaxda Guriyeynta iyo Horumarinta Magaalooyinka Mareykanka (Housing and Urban Development, HUD) waxay leedahay habab badan oo aad ku gudbin karto eedeynta, oo ay ku jiraan onlaynka, iimaylka telefooka iyo boostada. Waxaad ka heli kartaa faahfaahin dheeraad ah https://www.hud.gov/program_offices/fair_housing_equal_opp/online-complaint.

 

Disability Rights Ohio waxay kaloo kaa caawin kartaa haddii aad u malayso in qof ku takooray iyadoo sabab u tahay naafanimadaada. Wac 800-292-9181, oo dooro ikhtiyaarka 2 ee waaxda qaadashada. Waxaad sidoo kale ka buuxin kartaa foomka qaadashada onlaynka ah disabilityrightsohio.org/intake-form.

Make a Donation

Please give. To the best of your ability.