section decoration triangle

Soo qaado nuqulka PDF ee dokumentigan

See this in English

Barnaamijkan wuxuu bilawday Agoosto 1, 2018, ka dib HR 4547 Xoojinta Kormeerka iyo Ilaalinta Ka-faa’iideystayaasha marka uu soo marey Golaha Baarlamaanka uuna saxiixay si loo dhaqangeliyo Madaxweynaha. Sharcigan, Hay’adaha Ilaalinta iyo udoodidda ee jooga dalka oo idil, sida Disability Rights Ohio, waxay billaabi doonaan inay sameeynta dib u eegis joogto ah ee Wakiilka Macaash-qaataha ee nidaamka Maamulka Sugnaanta Bulshada.

Wakiilka macaash-qaataha wuxuu noqon karaa qof ama hay’ad. Waxaa loo magacaabaa sida macaash-qaataha ka-faa’iideystayaasha aan maareyn karin ama si toos ah u maareeyn karin macaashkiisa ama macaashkeeda Sugnaanta Bulshada. Waajibaadyada ugu weyn ee macaash-qaataha waa inuu u isticmaalo macaashka baahiyaha jira iyo kuwa mustaqbalka ee ka-faa’idaystaha uuna si habboon u keydiyo macaash kasta aan loogu baahneyn baahiyaha jira. Wakiilka macaash-qaataha waa inuu sidoo kale hayaa diiwaanada kharashka.

Iyadoo loo marayo barnaamijkan, waxaan:

  • Caawin doonaa wakiilada macaash-qaatayaasha inay fahmaan waajibaadka ka saaraan in ay ka-faa’iideystaha u adeegaan.
  • Dib-u-eegis ku sameyn doonaa diiwaanada maaliyadeed ay u isticmaalaan wakiilada macaashqaatayaasha in ay kula socdaan Macaashka Sugnaanta Bulshada si loo xaqiijiyo inaysan wax cabashooyin ah ka dhalan.
  • Kala hadli doonaa wakiilka macaash-qaataha iyo ka-faa’iideystaha macaash-qaadashada, si looga wada hadlo arrin kasta midkood ama labaduba qabaan.
  • U sameyn doonaa gudbin dibbada ah midkood ama labaduba wakiilka macaash-qaataha iyo ka-faa’iideystaha lagala hadlayo arrimaha kale ama baahiyaha laga yaabo in ay ka soo baxaan dib-u-eegista.
  • Hubin doonaa wixii arrimo ah ee la ogaado in wax laga qabto iyada oo loo marayo hay’adaha ku habboon.

Dukumeentigan waxaa lagu maalgelinayaa heshiiska wadajir ee Sugnaanta Bulshada. Inkastoo Sugnaanta Bulshada dib u eegeen dokumentigan inuu saxsan yahay, ma aha mid ka dhigan xiriir rasmi ah ee Sugnaanta Bulshada.

Make a Donation

Please give. To the best of your ability.