section decoration triangle

Macluumaakdayaga

Hay’adda Xuquuqda Naafada ee Ohio waa hay’ad aan faa'iido doon ahayn oo leh hadafka u-doodidda xuquuqda aadanaha, madaniga, iyo xuquuqda sharciga ee dadka naafada ah ee ku nool Ohio.

Oktoobar 2012, Hay’adda Xuquuqda Naafada ee Ohio waxay u baddashayAdeegga Xuquuqda Sharciga Ohio nidaamka Ilaalada iyo U Ololaynta Ohio (P&A) iyo Barnaamijka Kaalmada Macmiilka (CAP). Waxaa maamula Guddi Maamul, kuwaas oo ka kooban ugu badnaan dad laxaad la’ iyo xubnaha qoysaska dad laxaad la’.

Himiladayada

Waxaanu hiigsanaynaa bulsho dadkeeda laxaadka la’i ay yihiin xubin buuxda oo la siman dadka kale, taas oo haysata xuquuqda iyo fursadaha dhammaan dadka, kuwaas oo naftooda haga, go’aan ka gaadha meesha ay ku sugan yihiin, qaabka ay u noolaanayaan iyo cidda ay la noolaanayaan, waxay baranayaan, shaqada ay qabanayaan iyo ciyaarta ay ciyaarayaan, oo heli kara adeegyada iyo taageerada ay u baahan yihiin, ka xor ah tacaddi, dayacaad, ka faa’idaysi iyo takoor.

See this in English

Make a Donation

Please give. To the best of your ability.