section decoration triangle

Sidaan Dadka u Caawino

Hay’adda Xuquuqda Naafada ee Ohio ahaan, waxaanu bixinaa u ololayn sharci iyo ilaalada xuquuqda dad kala gedisan oo laxaad la’. Taas waxaa kamid ah in dadka aanu ka caawino ay lasoo daristay mushkiladaha sida tacaddi, dayacaad, takoorid, helidda teknooloojiyada kaalmada ah, waxbarashada gaarka ah, guryaynta, shaqada, isdhexgalka bulshada, codaynta iyo wixii mushkilado ah ee ilaalinta xuquuqda.

Hay’adda Xuquuqda Naafada ee Ohio sidoo kale waa Nidaamka Ilaalada iyo U Ololaynta federaalka ee Shakhsiyaadka Qaba Xanuunka Maskaxda (PAIMI), kaas oo ay hagto Guddida La-talinta PAIMI. Si khayraad xaddidan wax badan loogu qaban karo ilaa inta macquulka ah, iyo si loogu hoggaansamo shuruudaha federaalka ah, Hay’adda Xuquuqda Naafada ee Ohio waa inay mudnaan u samaysaa shaqadeena sanad kasta.

See this in English

Make a Donation

Please give. To the best of your ability.