section decoration triangle

Soo qaado nuqulka PDF ee dokumentigan

See this in English

Mararka qaarkood, marka dembi lagaa galo, waxaa laga yaabaa inaad dareentid cabsi, ceeb, ammaandarro ama kalinimo. Dareenadani waxay noqon karaan kuwo aad u xoogan haddii qof aad taqaan, la nooshahay, ama aaminsan tahay ku dhaawaco. Mararka qaarkood, marka dadku laga galo dembi ma garan karaan wax ay sameeyaan. Xuquuq ayaad leedahay haddii wax xun ay kugu dhacaan. Dokumentigan ayaa kaa caawin doona inaad fahamto xuquuqda ayaa leedahay.

Yaa loo oggolyahay inuu ku dhaqmo xuquuqdan?

Haddii dembi lagaa galay ama waxyeello laguugu geystay dembi ku dhacay qof kale, taasi waxay kaa dhigaysaa “dhibbane dembi.” Dembi waa waxa jebiya sharciga. Tusaalooyinka dembiyada waa:

  • Xatooyo – marka qof wax kaa qaato asaga oo aan oggolaansho kaa haysan.
  • Weerar – marka qof dhaawaco jirkaaga. Tusaale ahaan, ay wax kugu dhuftaan, ku riixay ama ku gooyay.
  • Faraxumayn – marka qof ku kufsado. Marka qof kugu qasbo wax galmo ah aadan rabin inaad sameyso. 
  • Handadaad – marka qofku had iyo jeer waxa uu sameeyo kaa dhigayo inad dareentid ammaan la’aan, sida inuu kugu qayliyo, kuu gaysto aflagaado ama kuu hanjabo.

Waxaad wargelin kartaa booliska in dembi lagaa galay. Qof kasta oo dembi loo geystay wuxuu leeyahay xuquuqahan.

1. Waxaad xaq u leedahay in lagula dhaqmo si caddaalad ah oo la ixtiraamo badqabkaaga, sharaftaada, iyo asturnaantaada.

Dastuurka Ohio wuxuu dhigayaa in lagula dhaqmo si cadaalad ah, sharaf iyo ixtiraam leh. Waxaad xaq u leedahay in laguu sheego sida uu u socdo kiiska dembiga. Waxaad xaq u leedahay inaad badqabto oo aad leedahay asturnaan. Waxaad leedahay xuquuqahan si aad uga qaybgasho habraaca caddaaladda dambiyada.

2. Waxaad xaq u leedahay turjubaan haddii aad tahay dhagoole ama maqalka kugu adagyahay.

Waxaad xaq u leedahay inaad doorato inaad turjubaan haysato ama in kale. Waad codsan kartaa turjubaan wakhti kasta. Uma baahnid inaad lacag siiso turjubaanka, iyo asxaabtaada iyo qoyskaaga ma aha inay turjumaan kuu noqaan. Uma baahnid inaad wax qorto halkii aad ka heli lahayd turjubaan.

3. Waxaad xaq u leedahay inaad doorato inaad u sheegto booliska.

Waad u wici kartaa booliska dembiga ama waad go’aansan kartaa inaadan siinin warbixin booliiska. Haddii aad qof isbitaalka jooga u sheegtid in lagu faraxumeyay ama weeraray, sharciga ayaa sheegaya in isbitaalka ogeysiiyo booliska. Si kastaba ha ahaatee, isbitaalka waa inuusan u sheegin magacaaga booliiska haddii aadan rabin. Weli waad heli daaweyn caafimaad xitaa haddii aad go’aansato inaadan u sheegin booliska. Isbitaalku waa inuu kuu sheegaa arrintan. Waxay ku siin doonaan macluumaad qoran oo ku saabsan tan waxayna sidoo kale kuu sheegi doonaan arrintan shakhsi ahaan ah. Isbitaalka ayaa markaa ku baari doona.

4. Waxaad xaq ayaad u leedahay in aan lagu isticmaalin qalabka ogaanshaha been-sheega, baarista cadaadiska codka, ama baaritaanada kale run sheegida.

Booliska iyo isbitaalku ma awoodaan kuguma qasbi karaan inaad baaritaano marto si aad u caddeyso inaad run sheegeyso. Baaritaanadan waxaa ku jiri kara baaritaano loo yaqaano baaritaanada ogaanshaha been-sheega ama baaritaanada cadaadiska codka. Uma baahnid inaad marto mid ka mid ah baaritaanadaas. Booliska waa inay eegaan waxa kugu dhacay xataa haddii aadan marin baaritaanadan.


5. Waxaad xaq u leedahay inaad diiddo in lagu wareysto, lagu eryo ama inaad siiso qofka eedeysaha ah wax dukumiinti ah, haddii uusan si kale u dhigeynin Dastuurka Ohio.

Si toos ah uguma baahnid inaad wareysi ama dukumiinti siisid eedaysanaha ama qareenkooda. Waxaa jira habab maxkamadda ay kugu amri karto inaad bixiso macluumaad qaar, laakiin qofka eedeysaha ah waa inuu raacaa xeerarka maxkamada ee habboon. Waa fikrad wanaagsan inaad la hadasho u-doodahaaga ama qareenkaaga ka hor intaanad haa ama maya dhihin codsi kasta.

6. Waxaad leedahay xuquuq inta lagu jiro baaritaanka ka dib faraxumeynta galmada.

Haddii qof uu kugula kacay faraxumeyn, isbitaalka wuxuu sameyn kara baaritaan. Waxaad xaq u leedahay in aad diido baaritaanka ama qeyb kasta oo mid ah baaritaanka. Waxaad sidoo kale xaq u leedahay inaad diido haddii lagu siiyo wax daawo ama daaweyn ah. Waxaad xaq u leedahay inuu qof kale kula joogo inta lagu jiro baaritaanka haddii aad rabto. Qofkani wuxuu noqon karaa cid kasta, sida xubin qoyska ka tirsan ama saaxiib. Qofkan ayaa sidoo kale loo oggol yahay inuu halkaa joogo haddii boolisku kula hadlayaan. Waxaad xaq u leedahay inaad baaritaan isku mid ah martaan qof aan lahayn naafonimada. Tani waxay ka dhigan tahay in isbitaalku uu ku siinayo meeleyn haddii aad u baahan tahay. Meeleynta waxaa ka mid ahaan kara turjubaan ama tiknoolijiyad ku caawisa.

7. Waxaad xaq u leedahay in laguu sheego kiiska dembiga oo aadna la hadasho muddaaci, haddii aad codsato.

Haddii aad go’aansato inaad booliiska u sheegtid waxa kugu dhacay, waxay ku siin doonaan macluumaad ku saabsan xuquuqdaada iyo dhigaaladaada. Ka dib markaad booliiska u sheegtid waxa dhacay, waa inay baaraan waxa kugu dhacay. Taas macnaheedu waa inay la hadlaan dadka kale ee laga yaabo inay arkeen wixii dhacay, waxay la hadli doonaan qofka aad u sheegtay inuu ku dhaawacay, waxayna la hadli karaan dadka kale, oo ay ku jiraan dadka isbitaalka jooga. Waxaad xaq u leedahay inaad la hadasho qofka mas’uulka ka ah baaritaanka wixii kugu dhacay. Waxaad sidoo kale xaq u leedahay inaad la hadasho muddaacigaaga. Haddii qofka ku dhaawacay la xiro, la sii daayo ama baxsado, markaa booliisku waa inuu kuu sheegaa.

8. Waxaad xaq u leedahay qareen iyo wakiil gaar ah.

Waxaad xaq u leedahay qareen. Waxaad yeelan kartaa wakiil gaar ah. Wakiilka gaarka ah waa qof wax kuu qaban kara adiga oo lagu matalayo, sida la hadla qareenada. Haddii aad doorato inaad yeelato wakiil gaar ah, wuxuu arki doonaa dhammaan macluumaadka gaarka ah ee ku saabsan kiiskaaga, xitaa haddii ay tahay wax adiga kaligaa laguugu talagalay. Waxaad dooran kartaa xubin qoyska ka mid ah oo aad ku kalsoon tahay ama u-doode si uu kuugu adeego wakiilka gaarka ah ahaan.

9. Waxaad xaq u leedahay in laguu soo celiyo hantidaada gaarka ah.

Inkastoo booliska baarayaan waxa kugu dhacay, waxaa laga yaabaa in ay u baahdaan inay ururiyaan macluumaad. Macluumaadkan waxaa ka mid noqon kara waxyaabo aad adigu leedahay aad rabto in laguu soo celiyo, sida dharkaaga ay kalkaaliyeyaasha baarayaan. Mar haddii arrimahan aan looga baahnayn kiiskaaga, waa inaad dib u hesho.

10. Waxaad xaq u leedahay inaad badqabto.

Qofna ma aha inuu kuu hanjabo, ku cabsiiyo, ku handado ama kaa dhigo qof dareemayo ammaandarro. Haddii laguu hanjabo ama aad dareento ammaandarro, waa inaad u sheegtaa boliiska ama muddaaciga isla markiiba. Waxaad heli kartaa amar ilaalin. Amar ilaalin waa marka garsooruhu u sheego qof inuu kaa fogaado oo uusan kula hadlin. Muddaaciga wuxuu kaloo waydiisan karaa garsooraha in uu ka noqdo damaanada qofka la soo eedeeyay ama weydiisto goob sugitaan oo gooni ah inta lagu jiro dhegeysiga maxkamadda.

11. Waxaad xaq u leedahay inaad halkaa joogto marka ay jiraan dhageysiyo dacwado ama dacwad qaadid.

Waxaad xaq u leedahay inaad codsato in laguu sheego dhammaan dhageysiyada dacwadaha maxkamada si aad halkaas u joogto. Waxaad xaq u leedahay in aad la timaadido qof kaa taageero dacwad dhageysiga ama dacwad qaadida. Waxaad xaq u leedahay inaad sheegto waxa kugu dhacay iyo sida ay kuu waxyeeleeyeen. Waxa kale oo aad yeeli kartaa in wakiilkaaga sheego waxa kugu dhacay.

12. Waxaad xaq u leedahay inaad kaqaybqaadato dhageysiyada dacwadahaas mana lagaa cayrin karo shaqadaada.

Loo-shaqeeyahaaga looma oggola inuu ku ciqaabo haddii aad u baahan tahay wakhti inaad shaqada ka maqnaato si aad u aado dhegeysiga dacwada ama dacwad qaadida. Loo-shaqeeyahaaga kuma qasbani inuu bixiyo mushaarka wakhtiyada aad maqan tahay. Laakiin waxaa laga yaabaa in maamulahaagu uu bixiyo mushaarka wakhtiga fasaxa aad tahay haddii qof shaqaynayo ku dhaawacay ama haddii waxa kugu dhacay ay dhaceen intaad shaqada joogtay. Sidoo kale wax dhibaato ah shaqada kaagama imaanayso haddii aad rabto inaad aado dacwad dhageysiga.

13. Waxaad xaq u leedahay inaad dalbato magdhowga dhibbanaha.

Magdhowga dhibbanaha waa lacag loogu talagalay dhibanayaasha dambiga loo geesto si loo caawiyo ka dib markii qof waxyeelleeyay. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ohio wuxuu awood u leeyahay inuu ku siiyo lacag kaa caawiso inaad bixiso wixii lacag ah ee aad bixisay iyadoo sabab u tahay dembi lagaa galay. Waxaad xaq u leedahay inaad buuxiso foomka loogu talagalay lacagtan.

14. Waxaad xaq u leedahay in lagu siiyo wixii khasaare lacageed ah ee kaa soo gaartay qofka ku waxyeelleeyay.

Tan waxaa lagu magacaabaa magdhow, marka qofka ku waxyeelleeyay ay tahay inuu dib kuu siiyo lacag. Waa inaad haysaa diiwaanka kharashkaaga oo aad hubiso inaad haysato rasiidyadaada. Waa inaad u sheegtaa garsooraha kharashka kaaga baxay wax la xiriira dembiga. Maskaxda ku hay in inkastoo magdhowga qasab yahay, bixinta ayaa wali ku xiranaan doonta hadba inta uu qofka ku waxyeelleeyay awoodi karo.

15. Waxaad xaq u leedahay inaad isticmaasho xuquuqdaada.

Waxaad xaq u leedahay in laguu sheego xaquuqahan qoraal ahaan, waxaadna xaq u leedahay inaad hirgeliso xuquuqdaada. Tani waxay macnaheedu noqon kartaa in aad weydiisato maxkamadda inay ilaaliso xuquuqdaada.

Haddii aad qabto su’aal ku saabsan xuquuqdaada, ama haddii aad u maleyneyso in xuquuqdaada lagu xadgudbay, waxaad ka wici kartaa Disability Rights Ohio 800-282-9181 ikhtiyaarka 2. Waxaan kaa caawin karnaa inaad fahamto xuquuqdaada iyo inaad kula shaqeyno si aad u awoodo inaad isticmaasho xuquuqdaada.

Make a Donation

Please give. To the best of your ability.