section decoration triangle

Soo qaado nuqulka PDF ee dokumentigan

See this in English

Waa maxay racfaanka Medicaid?

Marka hay’ad ama caymiska daryeelka la maareeyo ay go’aan ka gaartaan adeegyadaada Medicaid ee aad diidan tahay, guud ahaan waxaad xaq u leedahay inaad racfaan ka qaadato go’aanka. Rafcaanku wuxuu oranayaa inaadan diidan tahay go’aanka oo aad rabto qof leh awood dheeraad ah inuu dib u eego.

Sidee ayaan u qaataa racfaan?

Waxay ku xirantahay hadba sida diiditaankaagu ku wajahan yahay caymiska daryeelka la maareeyo ama hay’ad kale oo aan ahayn caymiska daryeelka la maareeyo:

  • Haddii caymiska daryeelka la maareeyo go’aanka ka gaaray adeegyadaada, guud ahaan waa inaad racfaan ka qaadataa qorshaha daryeelkaaga la maareyo ka hor racfaan qaadashadaada adigoo adeegsanayo geedi-socodka dacwad dhageysiga gobolka. Waxaa jira waxyaabo ka reeban tan, kuwaasoo hoos lagu sharxay.
  • Haddii hay’ad kale aan ahayn qorshaha dareyeelka la maareeyo (sida Waaxda Ohio ee Medicaid, Waaxda Ohio ee Naafonimada Korriinka ama hay’ada maareynta kiisaska lacagta caymiska) ay gaartay go’aanka, waa inaad racfaan ka qaadataa adigoo adeegsanayo geedi-socodka dacwad dhageysiga gobolka.

Eeg sidoo kale Shaxda Racfaanka Medicaid ee DRO.

RACFAANADA CAYMISKA DARYEELKA LA MAAREEYO

Sidee racfaan uga qaataa go’aan ay gaartay caymiska daryeelka la maareeyo?

Marka caymiska daryeelka la maareeyo uu gaaro “go’aanka diidmada macaashka” (tusaale ahaan, diidista ama yareynta adeegyadaada), caymiska daryeelka la maareeyo waa inuu kugu sheegaa qoraal ahaan oo kuu sheegaa sida rafcaan looga qaato. Eeg buug-yarahaaga xubinimada si aad u hesho macluumaad dheeraad ah. Waxaad sidoo kale xaq u leedahay inaad codsato “racfaan deg dega ah,” iyo in aad ka codsato caymiska daryeelkaaga la maareeyo inuu kaa caawiyo gudbinta racfaanka. Qaar ka mid ah dadka ku nool Ohio waxay ku jiraan barnaamijka daryeelka la maareeyo oo gaar ah oo loo yaqaano My Care Ohio. Warqada xogta gaarka ah kama hadlayso caymisyada My Care Ohio. Waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan rafcaanka caymiska daryeelka la maareyo Maamulka Ohio. Baaqa 5160-26-08.4 (http://codes.ohio.gov/oac/5160-26-08.4v1).

Ma waxaa jiro kama dambeys la gudbinayo racfaanka caymiska daryeelkayga la maareeyo?

Haa. Raadi taariikhda ku taalo ogaysiinta lagugu soo diray boostada. Waa inaad racfaan gudbisaa 60 maalmood gudahooda laga bilaabo taariikhda boostada ee ku taalo ogaysiintaada. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira kamadambeys gaaban lagaa doonayo inaad raacdo haddii adeegyadaada la dhimay oo aad rabto in adeegyadaas inay ku sii socdaan heerka jira inta lagu jiro racfaanka. Tani waxa loo yaqaan “socoshada macaashka” ama “sii-wadista taageerada.” Si aad u hesho socoshada macaashka, waa inaad racfaan qaadataa 15 maalmood gudahooda laga bilaabo taariikhda boostada ee ku taalo ogaysiintaada. Sidoo kale waa inaad racfaanka gudbisaa ka hor inta aysan”muddada oggolaanshaha” dhicin (tusaale ahaan, muddada caymiska daryeelkaaga la maareeyo oggolaadeen adeegyada kalkaalinta). Haddii aad sidan sameyso, adeegyadaada waa in lagu hayaa heerkooda hadda ilaa caymiska daryeelka la maareeyo go’aan ka gaarayo (loo yaqaano “go’aanka rafcaanka”).

Waa maxay xuquuqdayda haddii aanan ka helin ogaysiin qoraal ah boostada?

IHaddii aadan helin ogeysiin qoraal ah (tusaale ahaan, haddii qof kaaga sheego telefoonka adeegyadaada in la yareeyn doono), waxaad wali u gudbin kartaa rafcaan caymiska daryeelka la maareeyo. Tani waxaad u qaban kartaa dhowr siyaabood. Waxaad gudbin kartaa rafcaan, waxaad waydiisan kartaa caymiska daryeelka la maareeyo inay qoraal ka dhigaan ka hor inta aadan rafcaan qaadan, ama waxaad u diri kartaa caymiska daryeelka la maareeyo warqad dhigayso waxa laguu sheegey oo ka dib gudbiso rafcaanka. Xaqiiqdii, haddii aadan helin ogaysiin qoran, tani waxay kuu oggolaan kartaa inaad ka boodo geedi-socodka rafcaanka caymiska daryeelka la maareeyo isla markaana waxaad toos u abaari geedi-socodka dacwad dhageysiga gobolka. Haddii aad qabtid su’aalo ku saabsan waxa ay tahay sameysid, waxaad wici kartaa Shirkada Xuquuqda Naafada Xuquuqda ee Ohio si ay kuu caawiyaan.

Haddii adeegyadaada Medicaid dhab ahaantii la dhimay ama la joojiyay balse marna aadan helin ogaysiin qoraal ah, waad ka qaadan kartaa racfaan oo waxaad waydiisan kartaa caymiska daryeelkaaga la maareyo iyo/ama Waaxda Adeegyada Shaqada iyo Adeegyada Qoyska ee Ohio (Ohio Department of Job and Family Services, ODJFS) Xafiiska Dacwad Dhagaysiga Gobolka inay soo “celiyaan” (ama dib u bilaabaan) adeegyadaada.

Mudo intee le’eg ayay ku qaadanaysaa caymiska daryeelka la maareeyo inay ka gaaraan go’aan racfaankayga?

Caymiska daryeelka la maareeyo waa inay go’aan ka gaaraan racfaankaaga (loo yaqaano “go’aanka racfaanka”) 15 maalmood gudahooda laga bilaabo marka aad codsato ayna kuu soo diraan nuqul qoraal ah, inkastoo muddada ay dheeraan karto xaaladaha qaarkood. Waxaad xaq u leedahay inaad codsato rafcaan la dedejiyo, oo lagu magacaabo “racfaan degdeg ah,” haddii caafimaadkaaga jir ahaaneed ama maskaxeed ama awoodaada waxqabasho halis daran ku geli karto muddadan. Haddii codsigaaga racfaanka degdega ah la ansixiyo, caymiska daryeelka la maareeyo waa in uu go’aamiyo waxa laga qabanayo rafcaankaaga 72 saacadood gudahooda laga bilaabo marka aad codsato, inkastoo muddada mararka qaarkood ay dheeraan karto sidoo kale.

Maxay tahay xuquuqdayda haddii aan diido go’aanka racfaanka?

Haddii aadan ku raacsaneyn go’aanka racfaanka (ama aadan ku helin xallinta rafcaanka qoraal ahaan muddada loo oggol yahay), waxaad ka codsan kartaa dacwad dhageysiga Waaxda Adeegyada Shaqada iyo Adeegyada Qoyska ee Ohio (ODJFS) Xafiiska Dhagaysiga Dacwadaha. Haddii aad hesho foomka codsiga dacwad dhageysiga gobolka, waxaad buuxin kartaa foomkan oo aad u dirtaa Xafiiska Dhagaysiga Dacwadaha Gobalka. Laakiin kuma qasbanid inaad isticmaasho foomkaas.

Si aad u codsato dacwad dhageysiga gobolka, wac ama u qor Xafiiska Dhagaysiga Dacwadaha Gobalka:

  • Boostada: ODJFS Bureau of State Hearings, P.O. Box 182825, Columbus, Ohio 43218-2825
  • Fakis: 614-728-9574
  • Iimaylka: bsh@jfs.ohio.gov, oo ku qor “State Hearing Request” xariijinta mawduuca
  • Onlaynka: secure.jfs.ohio.gov/ols/RequestHearing
  • Telefoonka: 866-635-3748, oo ka dooro lambarka koowaad ee xulashada codka kala xulashada ootamaatigga ah

Ogsonow in haddii qof kuu codsanayo dacwad dhageysiga gobolka, isaga ama iyada waxay u baahnaan karaan inay ku daraan “oggolaansho qoraal ah.” Wixii macluumaad dheeraad ah, eeg su’aasha hoose: “Miyuu qof kale ii codsan karaa dacwad dhageysiga gobolka?”

Ma jiraan waqti cayiman oo la codsan karo dacwad dhagaysiga gobolka?

Haa. Raadi taariikhda ku qoran go’aanka rafcaankaaga. Xafiiska Dacwad Dhageysiga Gobolka ee ODJFS waa inuu helaa codsigaaga dacwad dhageysiga goboleed 120 maalmood gudahooda laga soo bilaabo taariikhda go’aanka racfaanka laguu soo diro. Si kastaba ha noqotee, waxaa jira kamadambeys gaaban ay tahay inaad raacdo haddii aad qaadanaysay “sii socoshada macaashka” oo aad rabto in ay sii socdaan ilaa inta laga gaarayo go’aanka dacwad dhageysiga gobolka. Si aad u hesho “sii socoshada macaashka,” Xafiiska Dacwad Dhageysiga Gobolka ee ODJFS waa inaad hesho codsigaaga dacwad dhageysiga goboleed 15 maalmood gudahooda laga soo bilaabo taariikhda go’aanka racfaanka laguu soo diro. (Haddii aad seegtid kamadambaystan balse codsigaaga la qabto 10 maalmood gudahooda marka adeegyadaada la beddelo, ODJFS waxay dib u soo celin kartaa adeegyadaada haddii ay jirto “sabab la taaban karo” oo dib loogu dhigay codsiga).

RACFAANADA KALE MEDICAID

Sidee ayaan racfaan uga qaataa go’aanka ay gaartay hay’ad aan ahayn caymiska daryeelka la maareeyo?

Marka hay’ad aan ahayn caymiska daryeelka la maareeyo (sida Waaxda Ohio ee Medicaid, Waaxda Ohio ee Korriimada Naafada ama hay’adda maareynta kiisaska lacagta caymiska) ay gaarto go’aan lagu diidayo ama yareeynayo adeegyada, waa in laguugu sheegaa qoraal ayna kuu sheegaan sida racfaan looga qaadan karo adoo waydiisanaya dacwad dhageysiga goboleed ee Waaxda Shaqada iyo Adeegyada Qoyska ee Ohio (ODJFS) Xafiiska Dacwad Dhagaysiga Gobalka. Haddii aad hesho foomka codsiga dacwad dhageysiga gobolka, waxaad buuxin kartaa foomkan oo aad u dirtaa Xafiiska Dhagaysiga Dacwadaha Gobalka. Laakiin kuma qasbanid inaad isticmaasho foomkaas.

Si aad u codsato dacwad dhageysiga gobolka, wac ama u qor Xafiiska Dhagaysiga Dacwadaha Gobalka:

  • Boostada: ODJFS Bureau of State Hearings, P.O. Box 182825, Columbus, Ohio 43218-2825
  • Fakis: 614-728-9574
  • Iimaylka: bsh@jfs.ohio.gov, oo ku qor “State Hearing Request” xariijinta mawduuca
  • Onlaynka: secure.jfs.ohio.gov/ols/RequestHearing
  • Telefoonka: 866-635-3748, oo ka dooro lambarka koowaad ee xulashada codka kala xulashada ootamaatigga ah

Ogsonow in haddii qof kuu codsanayo dacwad dhageysiga gobolka, isaga ama iyada waxay u baahnaan karaan inay ku daraan “oggolaansho qoraal ah.” Wixii macluumaad dheeraad ah, eeg su’aasha hoose: “Miyuu qof kale ii codsan karaa dacwad dhageysiga gobolka?”

Ma jiraan waqti cayiman oo la codsan karo dacwad dhagaysiga gobolka?

Haa. Raadi taariikhda ku taalo ogaysiinta lagugu soo diray boostada. Xafiiska Dacwad Dhagaysiga Gobalka ee ODJFS waa inay helaan codsigaaga dacwad dhageysiga 90 maalmood gudahooda laga bilaabo taariikhda boostada ee ku taalo ogaysiintaada.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira kamadambeys gaaban oo lagaa doonayo inaad raacdo haddii adeegyadaada la yareeyo oo aad rabto in adeegyadani alagu sii wado heerka jira ilaa laga gaaro go’aanka. Tani waxa loo yaqaan “socoshada macaashka” ama “sii-wadista taageerada.” Si aad u hesho sii socoshada macaashka, Xafiiska Dacwad Dhagaysiga Gobolka ee ODJFS waa inuu helaa codsigaaga dacwad dhageysiga goboleed 15 maalmood gudahooda laga bilaabo taariikhda boostada ee ku taalo ogaysiintaada. (Haddii aad seegtid kamadambaystan balse codsigaaga la qabto 10 maalmood gudahooda marka adeegyadaada la beddelo, ODJFS waxay dib u soo celin kartaa adeegyadaada haddii ay jirto “sabab la taaban karo” oo dib loogu dhigay codsiga).

Waa maxay xuquuqdayda haddii aanan ka helin ogaysiin qoraal ah boostada?

Haddii aadan helin ogeysiin qoraal ah (tusaale ahaan, haddii qof kaaga sheego telefoonka adeegyadaada in la yareeyn doono), waxaad wali codsan kartaa dacwad dhageysi goboleed. Tani waxaad u qaban kartaa dhowr siyaabood. Waxaad codsan kartaa dacwad dhageysiga gobolka, waxaad weydiisan kartaa hay’adda in ay go’aanka la qoro ka hor inta aadan codsan dacwad dhageysiga goboleed, ama waxaad u diri kartaa hay’adda warqad warqad dhigayso waxa laguu sheegey iyo goorta laguu sheegay ka dibna codsato dacwad dhageysiga gobolka.

Haddii adeegyadaada Medicaid dhab ahaantii la dhimay ama la joojiyay balse marna aadan helin ogaysiin qoraal ah, waxaad codsan kartaa dacwad dhageysiga gobolka waxaadna waydiisan kartaa Xafiiska Dacwad Dhagaysiga Gobolka ee ODJFS inay soo “celiyaan” (ama dib u bilaabaan) adeegyadaada. Sidoo kale waa inaad waydiisataa shaqaalaha kiiska hay’adaada inuu dib u soo celiyo adeegyadaada.

MACLUUMAADKA KALE LA XIRIIRA DACWAD DHAGEYSIGA GOBOLKA

Qof ma ii codsan karaa dacwad dhageysiga gobolka?

Haa, laakiin guud ahaan waa in ay ku jiraan waraaqo dheeraad ah oo la yiraahdo “oggolaanshaha qoran” si ay u muujiyaan in ay yihiin wakiilkaaga idman. (Waxaa jira waxyaabo ka reeban shuruudahan haddii qofku yahay waalid ama mas’uulka sharciga ah ee ilmo yar, lammaanahaaga, ama xaaladahaaga degdega ah ee kaa hor istaagaya inaad bixiso oggolaansho qoran). Oggolaanshaha qoran wuxuu noqon karaa waraaqaha mas’uulnimada ee mas’uulka. Awoodda qareenka, waxay noqon kartaa dukumentiga awoodda qareenka. Kuwa kale, waxay noqon kartaa bayaanka, aad saxiixday, aad ugu sheegayso Xafiiska Dacwad Dhagaysiga Gobalka in qofka kale yahay wakiilkaaga idman. Waa kan xiriiriyaha foomka loo isticmaali karo in qof aad ka dhigato wakiilkaaga idman: http://medicaid.ohio.gov/Portals/0/Resources/Publications/Forms/ODM06723fillx.pdf.

Muddo intee le’eg ayey ku qaadan kartaa sarkaalka dacwad dhegeysiga gobolka inuu ku gaaro go’aan?

Ka dib dacwad dhageysigaaga gobolka, waa in laguugu soo diraa go’aanka dacwada boostada. Sida ku cad sharciga Ohio, go’aamada dacwad dhageysiga gobolka waa in la diraa 70 maalmood gudahooda laga bilaabo taariikhda codsiga dacwad dhageysiga gobolka (haddii uusan Xafiiska Dhagaysiga Gobolka ee ODJFS ogolaanin inuu “dedejiyo” go’aankaaga).

Haddii sarkaalka dacwad dhageysiga kugu raaco oo ogaado in hay’addu ay si khalad ah u dhaqantay, go’aanka dacwad dhageysiga ayaa “sii wadi” doona racfaankaaga. Haddii sarkaalka dacwad dhageysiga kugu raacin oo ogaado in ficilada hay’adda ay sax ahaayeen, go’aanka ayaa “hakin” doona racfaankaaga.

Waa maxay xuquuqdayda haddii aan diido go’aanka dacwad dhageysiga gobolka?

Haddii aadan ku raacsaneyn go’aanka dacwad dhageysiga gobolka, waxaad xaq u leedahay inaad soo gudbiso racfaan maamuleed. Waxaa jira wakhtiyo muhiim ah oo ay tahay inaad raacdo. Wixii macluumaad dheeraad ah, eeg daabacaadda DRO ee rafcaanada maamuleed.

Maxaan sameeyaa haddii aan su’aalo qabo?

Haddii aad qabto su’aalo inta lagu jiro geedi-socodka rafcaankaaga, ka wac Shirkada Xuquuqda Naafada Ohio 800-282-9181 oo dooro ikhtiyaarka 2 ee qaadashada.

Dib loo eegay Diseembar 2018

Make a Donation

Please give. To the best of your ability.