section decoration triangle

Soo qaado nuqulka PDF ee dokumentigan

Waa maxay EPSDT?

EPSDT waxay u taagan tahay Adeegyada Baaritaanka Hore & Baaritaanka Wakhtiyeysan, Baarista iyo Daaweynta. EPSDT waa barnaamijka caafimaadka carruurta ee Medicaid. Waxaa loogu talagalay in lagu daboolo baahiyaha caafimaadka jirka, maskaxda, iyo koritaanka ee carruurta. Ujeedada EPSDT waa in la ogaado oo daaweeyo dhibaatooyinka caafimaadka xilli hore si carruurta ay u helaan caafimaadka iyo korriinka ugu wanaagsan. Gudaha Ohio, barnaamijka EPSDT waxaa loo yaqaan Healthchek.

Yuu daboolaya Healthchek/EPSDT?

Ilmo kasta oo da’diisu ka yar tahay 21 sano ee leh Medicaid ay daboosho Healthchek/EPSDT. Carruurta ay daboosho lacagta caymiska Medicaid, carruurta haysata kaarka Medicaid, iyo carruurta ku jirta caymiska daryeelka la maareeyo ee Medicaid dhammaantood waxay xaq u leeyihiin Healthchek/EPSDT. Carruurta uqalma barnaamijka Medicaid waxay si toos ah xaq ugu leeyihiin Healthchek/EPSDT. Looma baahna diiwaangelin gaar ah.

Maxay bixisaa Healthchek/EPSDT?

Healthchek waxay bixisaa adeegyo baaritaan waqtiyada qaarkood inta lagu jiro korritaanka ilmaha si loo raadiyo xaaladaha iyo cudurrada jirka iyo maskaxda. Barnaamijku wuxuu kaloo bixiyaa adeegyo si loo baaro loona daweeyo cudurrada iyo xaaladaha la helo. Adeegyadan waxaa la siiyaa dhammaan carruurta, oo ay ku jiraan carruurta leh xaalado gaar ah ama naafada ah ee u baahan daryeel caafimaad.

Waa maxay baaritaanka Healthchek/EPSDT?

Baaritaanno badan ayaa loo sameeyaa ilmaha yar labada sano ee ugu horreeya ee nolosha iyo ka dibna hal baaris sanadkiiba ilaa ilmuhu ka gaarayo 21 jir. Baaritaanadu waxay eegayaan korritaanka iyo horumarka ilmaha, oo ay ku jiraan caafimaadka jirka iyo dabeecadda, aragga iyo maqalka.

Waa maxay adeegyada daaweynta ee la heli karo?

Adeeg kasta oo laga helo iyadoo loo marayo Medicaid sida ku cad sharciga federaalka waxaa la heli karaa iyadoo loo marayo Healthchek/EPSDT ee carruurta. Tani waxaa ka mid ah adeegyada qaarkood oo aysan heli karin dadka waaweyn ee Ohio. Tusaalooyinka adeegyada waxaa ka mid ah:

  • adeegyada dhakhtarka iyo rugta caafimaadka
  • adeegyada isbitaalka ee bukaan-jiifka iyo bukaan-socodka
  • adeegyada shaybaarka iyo raajada
  • adeegyada caafimaadka guriga
  • kalkaalinta daryeelka gaarka ah
  • adeegyada daryeelka shaqsiyeed
  • adeegyada isuduwidda daryeelka ama maareynta kiisaska
  • terabiga jirka
  • terabiga xirfadeed
  • terabiga hadalka
  • qalabka caafimaad ee raaga
  • adeegyada ilkaha
  • adeegyada daryeelka neefsashada
  • xarumaha kalkaalinta
  • isbitaalada dhimirka
  • adeegyada kalkaalinta caafimaadka carruurta ee sharciyeysan
Ma jiraan xaddidaad ku saabsan adeegyada daaweynta carruurta?

Sida ku cad EPSDT/Healthchek, ilmuhu wuxuu heli karaa adeegyada ama qalabka caafimaad ee lagama maarmaanka ah uu sharciga federaalka Medicaid u oggolyahay in goboladu bixiyaan, iyo haddii adeeggu ay daboolaan ama aysan daboolin caymiska Medicaid ee Ohio. Carruurtu waxay heli karaan adeegyo ama daaweyn badan marka loo eego qofka weyn inta uu heli kara. Tusaale ahaan, ilmuhu wuxuu heli karaa terabiga ama daryeelka ilkaha oo dheeraad ah marka loo eego qofka weyn inta uu heli kara. Tani waxay ka dhigan tahay in carruurtu heli karaan nooca iyo tirada adeegga ee loogu talagalay haddiiba ay u baahan yihiin, haddii ay tahay mid “caafimaad ahaan loo baahan yahay.” Noocyada adeegyada waxaa ku jira sheeyaasha sida terabiga, daryeelka kalkaalinta ama daryeelka shaqsiyeed.

Maxaa loola jeedaa “caafimaad ahaan loo baahan yahay”?

Sida ku cad EPSDT/Healthchek, carruurtu waxay heli karaan habraacyo waxayna helaan alaab ama adeegyo lagaga hortaggo, baaro, qiimeyo, saxo, hagaajiyo ama daweeyo xaalad caafimaad oo xun. Xaaladda caafimaad waxay noqon kartaa mid ka mid ah kuwan soo socda:

  • jirro
  • dhaawac
  • cudur ama calaamado
  • cillad dareen ama dabeecad
  • naafonimo maskaxeed
  • caqli dhantaalan, ama
  • naafonimada korriinka.

Bixiye kasta ee Medicaid wuxuu kugula talin karaa waxa caafimaad ahaan lagama maarmaanka u ah ilmaha. Bixiyeyaasha Medicaid waxaa ka mid ah dhakhaatiirta, kalkaaliyayaasha caafimaadka, dhakhaatiirta ilkaha, dhakhaatiirta jirka, daaweeyayaasha xirfadleyda ah, daaweeyayaasha hadalka, dhaqaatiirta cilmi-nafsiga, dhakhtarka dhimirka iyo xirfadlayaasha kale ee daryeelka caafimaadka.

Maxaa loola jeedaa “hagaajin”?

Wanaajinta ama joogteeynta caafimaadka ilmaha xaaladda ugu wanaagsan ee macquulka ah, magdhowida dhibaatada caafimaad, ka hortaggida inay sii xumaato, ama ka hortaggida inay dhacaan dhibaatooyin caafimaad oo dheeraad ah.

Sidee ayuu ilmo u heli karaa adeegyada caafimaad oo lagama maarmaanka ah?

Dhakhtarka/Xirfadlaha daryeelka caafimaad ee ilamahaaga wuxuu ka caawin doonaa ilmahaaga inuu helo adeegyada ay u baahan yihiin. Adeegyada qaarkood waa in ay ansixiyaan Waaxda Ohio ee Medicaid ama caymiska daryeelkaaga la maareeyo ka hor intuusan ilmahaagu helin. Tan waxa loo yaqaan “oggolaansho hore.” Haddii ilmahaagu u baahan yahay adeeg ay tahay in horey loo ansixiyey, dhakhtarka ilmaha ama xirfadlaha daryeelka caafimaadka ayaa soo gudbin doona codsiga adeegga. Bixiyaha Medicaid oo kaliya ayaa samayn kara codsiga daaweynta iyo adeegyada lagama maarmaanka ah. Haddii ilmuhu ka diiwaangashan yahay caymiska daryeelka la maareeyo ee Medicaid, bixiyaha waa inuu la xiriiraa waaxda oggolaanshaha hore ee caymiska si looga codsado daaweyn ama adeegyo ka hor waqtiga. Haddii ilmuhu ka diiwaangashaneyn caymiska daryeelka la maareeyo ee Medicaid, bixiyaha Medicaid waa inuu u gudbiyaa codsiga daaweynta ama adeegyada Waaxda Medicaid ee Ohio.

Maxaa dhacayo haddii codsiga oggolaansho hore la diido?

Haddii Medicaid diido adeeg ama qalab ku taliyay dhakhtarkaaga ama xirfadlaha daryeelka caafimaadka, waa inaad ku heshaa ogaysiin boostada. Haddii aadan ku raacsanayn go’aankooda, waad ka qaadan kartaa racfaan. Geedi-socodka rafcaanka ay tahay inaad isticmaasho waxay ku xiran tahay in go’aanka ay gaareen caymiska daryeelka la maareyo ama hay’ad kale. Ogaysiintaada diidmada waxay kuu sharrixi dootna sida racfaanka loo qaato iyo waqtiga loo qaato racfaanka.

Ma jiraa liiska bixiyayaasha Medicaid?

Haddii ilmahaagu helo caymiska daryeelka la maareeyo ee Medicaid, caymiska daryeelka la maareeyo ayaa lahaan doona liiska bixiyeyaasha Medicaid. Haddii ilmahaagu ka diiwaangashaneyn caymiska daryeelka la maareeyo ee Medicaid, la xiriir waaxda degmadaada ee shaqada iyo adeegyada qoyska. Waax degmeed kasta waxay leedahay Isu-duwaha Healthchek. Isu-duwaha Healthchek wuxuu ku siin doonaa liiska bixiyeyaasha Medicaid laga heli karo degmadaada.

Gaadiid ma la heli karaa sida ku cad Healthchek/EPSDT?

Haa. Healthchek/EPSDT waxay kaa caawin doonaan dhigashada ballamaha caafimaad iyo inaad gaadiid hesho aad ku aado ballamahaas. Sida gaadiidka loo bixiyo way kala duwanaan karaan degmo kasta. Kala xiriir caymiska daryeelka la maareyo ee Medicaid ama Isu-duwaha Healthchek ee ilmahaaga midkood waaxda degmadaada ee shaqada iyo adeegyada qoyska si lagaaga caawiyo dhigashada ballamaha iyo helida gaadiidka.

Halkeen ka heli karaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Healthchek/EPSDT?

Mid kasta oo ka mid ah dhigaaladan soo socda ayaa ku siin kara macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Healthchek/EPSDT:

Waxaad sidoo kale ka wici kartaa Shirkada Naafada ee Ohio 800-282-9181 waxaadna dooran ikhtiyaarka 2 ee qaadashada.

Dib loo eegay Diseembar 2018

Make a Donation

Please give. To the best of your ability.