section decoration triangle

Waa Noocee Caddaynta Ay Tahay Inaan Ku Daro Cabashadayda EEOC ama OCRC?

Soo qaado nuqulka PDF ee dokumentigan

See this in English

Iyadoo ay ku xiran tahay faahfaahinta cabashadaada aad u gudbisay Guddiga Xuquuqda Madaniga ee Ohio (Ohio Civil Rights Commission, OCRC) ama Guddiga Fursadaha Shaqooyinka Loo Simanyahay (EEOC), dukumentiyo badan ama noocyo macluumaad ah oo kala duwan ayaa waxtar yeelan kara si loogu daro caddeyn ahaan.

Marka laga reebo macluumaadka aasaasiga ah ee ku yaala foomkaaga eedeynta, waxaad sidoo lagaa rabi karaa inaad bixiso:

  • Magacyada iyo macluumaadka xiriirka ee dadka u sheegi kara baaraha wixii dhacay. Tani waxaa ka mid noqon kara wada-shaqeeyeyaasha, kormeerayaasha iyo shaqaalaha khayraadka aadanaha oo bixin kara macluumaad habboon.
  • Faahfaahinta ku saabsan shaqaalaha kale ee sameeynaya shaqo isku mid ah oo loola dhaqmay si kala duwan.
  • Markhaatiyaasha arkeen wixii dhacay oo bixin karaan qiraalo si ay u taageeraan cabashadaada.
  • Dadka ka baxsan shirkadda, sida lataliye ka socda Fursadaha Ohio ee leh naafonimo, daaweeyaha ama tababare shaqo, oo la shaqeeyay adiga iyo loo-shaqeeyahaaga.
  • Caddaynta inaad leedahay naafonimo. Si aad u ilaaliso macluumaadkaaga gaarka ah, ha ku sheegin faahfaahinta ku saabsan naafanimadaada eedeynta dhabta ah. Bedelkeed, kula wadaag macluumaadkan dukumiintiyo kala duwan.
  • Cadeynta in loo-shaqeeyahaagu ka warhayay naafanimadaada.
  • Nuqulada warqadaha shaqo joojinta, qorraalada ama edbinta aad heshay oo la xiriirta qaansheegashooyinka aad ku sheegtay eedeyntaada.
  • Nuqullada buug-yaraha hawlwadeenada, buug-gacmeedka ama siyaasadaha, haddii ay jiraan wax macluumaad ah oo iyaga ku jira oo la xiriira eedeyntaada.
  • Nuqullada dhammaan codsiyada aad u gudbisay inaad hesho meeleyn macquul ah iyo jawaabaha laga helay loo-shaqeeyahaaga. Codsiga meeleynta macquulka ah ma aha in loo isticmaalo luuqad gaar ah wuxuuna xitaa noqon karaa hadal. Marka lagu daro xaqiiqooyinka ku saabsan waqtiyada aad codsatay meeleyn macquul ah mar walba waxay leeyihiin waxtar, xiitaa haddii aadan adeegsan kelmado gaar ah ama aad qorin codsiga. 
  • Nuqulada sharaxaadda shaqadaada iyo dib u eegida waxqabadyada ku habboon iyo diiwaanada kale ee waxqabadkaaga shaqada.
  • Nuqulada dhajinada ama xayaysiinada booska shaqo, haddii aad codsatay oo aadan helin shaqada iyadoo sabab u tahay naafanimadaada.
  • Xasuus qoradaada wixii dhacay, marka ay dhaceen, dadka ku lugta leh iyo dhammaan faahfaahinada kale ee kaa caawin kara inaad cadeeyso waxa aad sheegeyso inay run yihiin. 

Make a Donation

Please give. To the best of your ability.