section decoration triangle

Maxay tahay fursada dhexdhexaadinta Marka Aan Cabasho U Gudbiyo OCRC ama EEOC?

Soo qaado nuqulka PDF ee dokumentigan

See this in English

Mar haddii aad u gudbiso eedeyn Guddiga Xuquuqda Madaniga ee Ohio (OCRC) ama Guddiga Fursadaha Shaqo Loo Simanyahay (EEOC), hay’adda ayaa u diri doonta ogeysiin loo-shaqeeyahaaga iyadoo uu wehliyo nuqulka cabashadaada. Adiga iyo loo-shaqeeyahaaga ayaa markaa ka dib la idin siin doonaa fursad aad ku xallisaan eedeynta iyada oo loo marayo dhexdhexaadin.

Waa maxay dhexdhexaadiye?

Dhexdhexaadiye waa qof eex la’aan, ama dhexdhexaad ah, oo aan wax go’aan ah ka gaarin eedeynta. Waxay halkaas u joogaan oo kaliya si ay idinkaga caawiyaan adiga iyo loo-shaqaaleeyeha inaad ka wadahadashaan dhibaatada si dhibaatada xal looga gaaro.
Haddii adiga iyo loo-shaqeeyahaagu isku raacdaan inaad tixgelisaan dhexdhexaadinta, baaritaanka rasmiga ah ayaa joogsan doona waxaana kiiska loo xilsaari doonaa dhexdhexaadiye. Dhexdhexaadiyaha wuxuu ku weydiin doonaa haddii aad rabto in aad la qabsato kulan dhexdhexaadin loo-shaqeeyahaaga. Waxaad diidi kartaa inaad kaqaybqaadato, balse dhexdhexaadinta badanaa waa mid aad faa’iido u leh waxayna xalin kartaa dhibaatada..

Macluumaad intee in le’eg ayuu dhexdhexaadiyaha heli doonaa?

Wax kasta oo adiga ama loo-dhaqeeyahaaga u sheegtaan dhexdhexaadiyaha waa qarsoodi mana lala wadaagi doono qofka baaraya eedeyntaada. Markaad aado kulanka dhexdhexaadinta, dhexdhexaadiyaha wuxuu heli doonaa kaliya nuqul ka mid ah eedayntaada. Kama heli doono dukumiintiyo ama macluumaad kale baaritaanka.

Maxaa dhacaya haddii aan gaarno heshiis inta lagu jiro dhexdhexaadinta?

Haddii adiga iyo loo-shaqeeyahaaga gaataan heshiis inta lagu diro dhexdhexaadinta, waxaa lagaa codsan doonaa inaad saxiixdid dukumenti qoraal ah oo sharraxaya wax kasta oo adiga iyo loo-shaqeeyaha ku heshiiseen si loo xalliyo eedeyntaada. Hubi in Heshiiska Dhexdhexaadinta uu ku jiro faahfaahin ku saabsan tallaabooyin gaar ah adiga iyo loo-shaqeeyahaaga ku heshiiseen inaad sameeysaan si loo xalliyo eedeyntaada.

Tusaale ahaan, haddii loo-shaqeeyuhu oggolaado inuu ku siiyo meeleyn macquul ah, hubso in faahfaahinta dhabta ah ee waxa loo-shaqeeyahu oggolaaday inuu ku siiyo in lagu qoray heshiiska. Ama, haddii aad oggolaatay inaad warqad ka hesho dhakhtarkaaga, hubso in heshiiska dhigayo sababta aad warqadda u helayso iyo xaqiiqooyinka ay tahay in lagu daro.

Maxaa dhacaya haddii aanan gaarin heshiis inta lagu jiro dhexdhexaadinta?

Haddii adiga iyo loo-shaqeeyahaaga aadan heshiis gaarin inta lagu jiro dhexdhexaadinta, eedeyntaada waxaa dib loogu celinayaa baaraha si loo baaro.

 

Wixii talo ah ee ku saabsan sida loo maareeyo geedi-socodka dhexdhexaadinta, ka wac Hay’adda Xuquuqda Naafada ee Ohio 800-292-9181 oo dooro ikhtiyaarka 2 ee waaxdeena qaadashada. Waxaad sidoo kale ka buuxin kartaa foomka qaadashada disabilityrightsohio.org/intake-form.

Make a Donation

Please give. To the best of your ability.